Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Go’aano ka soo baxay kulan ay yeesheen Maamulka G/Banaadir & laamaha amniga (Sawirro)

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Laamaha Ammaanka Gobolka oo yeeshay kulan Dag-dag ah oo ku saabsan Amniga Caasimadda.

Kusimaha Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Md. Axmed Xasan Iimaan ayaa maanta shir guddoomiyey kulankan oo looga hadlayey Amniga Caasimadda Muqdisho.

Kulanka Waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye Xigeenka Howlaha Guud, Agaasinka Guud Ee Amniga Caasimadda, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir iyo Saraakiisha Laamaha Ammaanka.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa sugidda Amniga Caasimadda Muqdisho, iyadoona la isla qaatay in Howlgallo baarintaan joogto ah laga sameeyo xaafadaha iyo gaadiidka lagu dhex wato Caasimadda.

Uga dambayntii, Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa laga codsaday in ay sii laba jibaaraan wada-shaqeynta Laamaha Ammaanka, si looga hor-tago falalka Amni darro ee ay kooxaha Argagixisadu ka geystaan Caasimadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo dalka kusoo laabtay iyo Waxyaabihii uu Madaxda Imaaraadka kala hadlay oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Diyaarad uu raaci lahaa Ra’isul Wasaare oo Shidaal lagu shubo loo waayay !! 

Cabdi Cade

Wasiirka Difaaca Israel: “Ma sii wadi karno dagaalka Gaza”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---