Waa Maxay Maalinta Jacaylka (Valentine’s Day) Mase banaan tahay diin ahaan..?!

- Advertisement -

Bisha Febraayo 14-keeda sanad kasta maanta oo kale ayaa loo aqoon-saday inay tahay Maalintii Jaceylka Aduunka (Valentine’s-Day), waxaana la isku diraa Salaamo, Ubaxyo qurux-badan, iyo Hadiyado qaali ah oo ay is-dhaafsadaan Lamaanayaasha is-jecel, iyo kuwa isqaba.

Hadaba maxay tahay ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa munaasabadan iyo Xafladaha lagu maamuuso Maalinta Caashaqa lamaanaha iyo Jaceylka dunida?.

Marka ay dhagahaaga ku soo dhaco ereygan Valentine’s waxaad markiiba dareemaysaa in magacani macno ahaan u dhadhamayo inuu ka soo jeedo Diinta Krishtaanka ama caadooyinkii hore ee Roomaanka.

Hadaba aan is-weydiino yuu ahaa Valentines? Maxaase loo dilay, haddana loo xusaa ilaa maanta, oo looga dhex arkaa magaciisa mel walba oo jaceyl lagu sheegaa, xafladona ay ugu dhigaan bulsha kasta khaas ahaan dhalinyarta isjecel?.

AAN DIB UGU LAABANO TAARIIKHDA

Qarnigii Sadex iyo Tobanaad, dhalashadii Nabi-Ciise kadib (Caleyhi-Salaatu-Wasalaam) ayaa waxaa jiray Boqor la dhihi jiray Calodis oo ka talin jiray Dalka Talyaaniga, boqorkaas wuxuu amar ku siiyay Dhalinyarada in aysan guursan karin, kuwaasoo ahaa Ciidan uu ku ilaashado awoodiisa maamul iyo sharafta boqortooyadiisa.
Balse nasiib darro waxaa amarkii boqor Calodis ka hor yimid oo xaq darro u arkay Ninkan geeridiisii ay u dabaaldegaan maantay lamaanaha isjecel iyo guud ahaan dhalinyarta waa Valentine.

Wuxuuna bilaabay inuu si qarsoodi ah u guursado dumar fara badan, hadaba markii ay soo shaac-baxay guurkii qarsoodiga ahaa ee Valentine, waxuu Boqorka amray in la geeyo xabsiga lana dal-dalo Valentine.

Sida ay sheegaan dadka taariiqda qora ee Valentine yaqaana, waxaa ku dhacay xiligii uu xabsigi ku jiray Jaceyl xaad-dhaaf ah oo uu jeclaaday gabar dhalinyaro ah oo aad u qurux badneyd taasoo aheyd gabar uu dhalay Ninkii xabsiga ka talinayay gabadhaas oo soo booqatay waqtigii uu ku jiray xabsiga.

Hadaba waraaq jaceyl xambaarsan oo uu ku saxiixnaa Valintines kadib markii la dal-dalay ayaa laga helay qolkii uu ku xirnaa, warqadaas oo ciwaan kaga dhigay.

“Ka socoto Valentinkaagii” wixii maalintaas ka dambeysay si loo xuso sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la dal-dalay Valintenes oo ku beegan 14-ka Bisha Febraayo 271-sano dhimashadii Nabi Ciise kadib ayaa la go’aansaday in la xuso maalintan oo kale, oo la is dhaafsado ubaxyo, salaamo iyo hadiyadu qaali ah, ilaa heer ay gaartay in ay noqoto maalin lagu cabiro lamaanaha is jecel jaceylka ay isku qabaan inta uu la egyahay. oo haddii maalinkaas qof ayaga ka mid ah hilmaamo loo micneeyo inuusan jaceyl heynin.

Marka laga hadlaayo arimaha Jaceylka waxaa dhacda doodo aan xal loo helin, inta badan waa la isku maan dhaafaa, maadama aan la aqoonin sida loogu macneyn lahaa loona fahansiin lahaa dadka aan weli jaceyl jaribin, oo jaahilka suuq jooga ah iska ah, dareenka ay sheeganaayaan lamaanayaasha isjecel, sida farxada, macaanka, murugada iyo xanuunka ay isla wadaagaan, hooygana u yihiin maalin iyo habeen hadii ay is waayaan.
Hadaba akhriste MAALINTA JACEYLKA ADUUNKA MA LOO DABAAL DEGI KARAA, OO MA TAHAY MAALIN MUTEYSATAY IN LOO DABAAL DEGO?? hadii aad caqligaaga si sax ah ugu laabatid waa MAYA, dhowr sababood daraadood:

1) Horta hadDii aan nahay umad islaam ah waa inaan ka soo horjeesano tilaabo walba oo ay qaadaan dadka ah KIRISTANKA IYO YAHUUDA, oo waa in aan qiimeeynin waxa ay qiimeeyaan iyo waxa ay buunbuunshaan, maadaama aan kala nahay dad aan diin ahaan iyo dhaqan ahaan waxba iskugu darsaneyn Adduunyo iyo Akhirane aan isku wado mareynin.

2) Nin gaal ah maalintii uu bakhtiyay in lago farxo, oo hadiyado la is dhaafsado, jaceylna la isku muujiyo oo lamaana kasta ay si gooni ah u qaddariyaan taas diinteena wanaagsan oo islaamka ah ma ogola oo waa mamnuuc.

3) Umadda islaamka ah waxay leeyihiin maalmo ay si gooni ah u xusaan oo ciid ah sida: Ciidul-fitriga Ciidul Adxaa iyo asbuuc kasta maalinka Jimcaha, oo shaqada iyo Waxbarashada nasiino laga qaadanayo. Intaas waxaa dheer in famil kasta iyo waddan kasta ay leeyihiin maalmo ay si gooni ah u qaddariyaan, hadiyado iyo xafladana u wada dhigtaan, waxaa ka mid ah Maalinkii ay lamaanaha isqaba isguursadeen dhalashadii caruurtooda iwm.

Dal ahaan waxaa loo wada dabaal dagnaa maalinka uu dalkeena xoriyada qaatay oo kale. Marka in aad adiga sameysatid maalin kale oo Soomaali haddii aan nahay aanan dhaqan ahaan u laheyn, xaqiiqa ahaana reer Galbeed ka timid, kaaga darana aan la arag sal iyo baar meel ay diinteen ugu taalo, waa bidco kaa mamnuuc ah hadii aad tahay qof islaam ah. Rasuulkuna waxuu yiri S.C.W. isagoo waxyaabaha aan anagu sameysanay nooga digaaya:”Bidca kasta waa baadi, baadi kasta Naarta ayaa la gelinaa.”

4) Valentine waxaa loo dilay inuu ka soo horjeestay sharcigii waddankiisa. Waxa uu sharcigaas ku dunshayna waxaa la sheegay inuu yahay jaceyl oo u qaaday dumar fara badan oo guursaday. Dadka is jecel waxeey ku doodaan maantay in qof walba hal qalbi leeyahay, markii sidee ku suurtagashay in Valentine oo lagu tilmaamo inuu ahaa aabahii jaceylka inuu jeclaado waxaas oo dumar, weliba wada guursaday? Sow lama dhihi karo Valentine naftiisa ayaaba ahaa cadawgii jaceylka waa hadii dhab loo aaminsan yahay inuusan jirin qof laba qalbi leh? Sow lama dhihi karo ninkii tumashada iyo baahida jinsiga in si qarsoodi ah lagu kala dhameysto sharciyeeyey wuxuu ahaa Valentine?.

Su’aalahaan waxay quseeyaan, oo aan ku baraarujinaa dadka ku guda jira, una dooda in jaceyl yahay wax dhex mara laba qof oo kaliya.

Hadaba walaalaha muslimeenta ahow is dhowra, inta Illaah idibku waajibiyayna ka soo baxa marka hore, intaas ayaaba howl idinkugu filan, waana caqli xumo inaad isku maqshquulisaan wax aan la idin dirsanin, ajar iyo xasanaad midna idinkugu jirin inay danbi, carro Rabi iyo cadaab aakhiro idin horseedo maahane.

La jeclow noolaha iyo khaas ahaan muslimiinta WANAAGA ADDUUN IYO JANADA AKHIRO OO AAD NAFTAADA LA JECESHAHAY, KAGANA DIG XUMAANTA IYO CADAABKA RABI WEYNINKIISA, SOO XASUUSI SIRAADKII AAKHIRO!.

W/Q: Maxamuud Dalmar
dalmar19@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -