Allbanaadir.com
NEWS

Ciyaartoyda Xulka K/Cagta Jubbaland oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Kismaayo (Daawo Sawirro)

Ciyaartoyda xulka Kubada cagta Jubbaland eek u guuleystay koobka tartankii ciyaaraha dowlad goboleedyada ee Muqdisho lagu soo gebagebeeyey Jimcihii ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada hoose.

Masuuliyiinta Dowlad Gobaleedka Jubbaland uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Madoobe iyo boqolaal ka tirsan shacabka magaalada Kismaayo ayaa damaashaad iyo farxad ku soo dhaweeyay ciyaartoyda Xulka kubada cagta Jubbaland.

Masuuliyiinta Jubbaland ayaa si weyn u bogaadiyay guusha ciyaartoyda Jubbaland, waxaana Magaalada Kismaayo ka socday Fantasiye iyo  damaashaad xooggan oo ciyaartoyda lagu soo dhaweynayo.

Xulka Jubbaland ayaa intii uu socday tartanka kubada Cagta Dowlad Gobaleedyada waxay soo bandhigeen ciyaaro aad u wanaagsan oo loo riyaaqay, waxayna ciyaarta finalka aheyd  1-0 uga badiyeen xulka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Burcad-badeedii Soomaaliyeed ee afduubatay Markabkii MV Ruen oo la geeyay Mumbai (Sawirro)

Cabdi Cade

Laftagareen oo wareegto ku magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood (Akhriso)

Caydiid Ali

Iskuulada kuyaala Muqdisho oo lagu amray Dhigista Maadooyin cusub (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---