(Daawo Sawirro) Guddoomiye Jawaari oo Baydhabo u tegay furitaanka Shir lagu muransan yahay

Guddoomiyaha baarlamanka Somalia Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Safarkiisa waxaa ku wehliya Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey wafdigan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo guddoomiyhaha Baarlamaanka Maamulkaasi iyo qeybaha bulshada.

Wafdiga Guddoomiye Jawaari ayaa ujeedada socdaalkiisa lagu sheegay sidii uu Magaalada Baydhabo uga furi lahaa shirka Guddoonka Golaha shacabka dowlada federaalka iyo Dowlada Goboleedyada, kaasoo inta uu socdo diiradda lagu saari doono wadashaqeynta baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka.

Shirkan ayaa waxaa ka taagan muran badan ka dib markii qabsoomidiisa uu ka soo horjeestay gudoonka aqalka sare ee Baarlamanka Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -