Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Iskuulada kuyaala Muqdisho oo lagu amray Dhigista Maadooyin cusub (Akhriso)

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, ayaa soo saaray awaamiir cusub oo ku socda iskuulada Hoose, Dhaxe iyo Sare ee kuyaala magaalada Muqdisho , awaamiirtan ayaana lagu faray iskuulada in ay soo kordhiyaan dhigista maadooyin cusub.
Qoraal kasoo baxay Agaasinka Waxbarashada G/Banaadir ayaa lagu faray iskuulada kuyaala Muqdisho in sanadkan Hirgeliyaan dhigida maadooyinka Ganacasiga (Business Studies),Tiknoolajiyadda(Technology) iyo Barbaarinta jirka (Jir-dhiska) (Physical Education)
Halkan ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Agaasiinka Waxbarashada Gobolka Banaadir
Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa faray dhammaan Maamullada Dugsiyada Hose/dhexe iyo Sare ee ka shaqeeya Gobalka Banaadir in ay Sanad dugsiyeedkaan 2021/2022, Hirgeliyaan dhigidda maadooyinka Ganacasiga (Business Studies), Tiknoolajiyadda (Technology) iyo Barbaarinta jirka (Jir-dhiska) (Physical Education).
 
Maadooyinkaan ayaa ah kuwo muhiim u ah waxbarashada Aasaasiga ah iyo Tayada ardayda Soomaaliyeed, waxeyna kamid yihiin maadooyinka udub dhaxaadka u ah Manhajka Qaranka.
 
Maadooyinka Ganacsiga iyo Tiknoolajiyadda ayaa kamid noqon doono maadooyinka guud ee ay ardaydu ku geli doonaan Imtixaanaadka Shahaadiga ah ( FASALKA 12aad ee dugsiga Sare iyo FASALKA 8-aad ee Dugsiga Dhexe).
 
Sidaa Darteed, Agaasinku wuxuu ku adkeynayaa maamulayaasha iyo Bahda waxbarashada in ay dhaqan geliyaan maadooyinkaas kuna Darsadaan Jadwalka, laguna soo Kormeeri doono bilowga Sanad Dugsiyeedkan hadduu Alle Idmo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey qaraxyadii Baydhabo & khasaare xooggan oo ka dhashay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wafdigii Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhoweeyey Asmara (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Danab & kuwo Maraykan ah oo ku degay xero lagu tababarayey Al-Shabaab (Ka dib Maxaa dhacay)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---