Mid kamid ah Suuqyada Muqdisho oo maanta xiran (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta xiran ganacsigii ka jiray Suuqa lagu magacaabo Suuq Boocle ee kuyaala degmada Dharkeenley, kadib markii ganacsatada Suuqaasi lagu amray in ay bixiyaan lacago badan .

Ganacsatada Suuqa ayaa sheegay in maamulka Degmada ku amray in ganacsatada bixiyaan lacago badan ay sheegeen in lagu dhisayo Laami dhax mara degmada Dharkeenley, waxa ayna ganacsatada sheegeen in aysan awoodin bixinta lacagtaasi.

Ciidamo katirsan maamulka degmada Dharkeenley ayaa saakay bilaabay in ay xir xiraan ganacsatada Suuqa ee bixin waayay lacagaha laga rabo, waxa ayna taasi sababtay in gabi ahaan uu xirmo ganacsigii Suuqaasi ka jiray.

”Ciidamo iyo rag wada socda ayaa arbacadii noogu yimid Suuqa waxa ayna nagu amreen in aan bixino lacago aanan awoodin oo lagu dhisayo laami, waa adag tahay in ganacsade mehrad yar leh uu bixiyo lacag 500 Dollar ilaa 800 u dhaxeysa ” Ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada Suuqa

Waxaa maanta xirnaa ganacsigii ka jiray Suuq Boocle oo kamid ah Suuqyada waa weyn ee kuyaala Muqdisho, waxana xirnaashaha Suuqan saameyn badan ku yeelatay ganacsatada iyo sidoo kale dadka deegaanka.

Maamulka Degmada Dharkeenley iyo kan Gobolka Banaadir ayaan wali ka hadlin Xirmaashahan Suuq Boocle, lamana oga in Maamulka gobolka Banaadir wax ka ogyahay lacaga lagu amray in ay bixiyaan Ganacsatada Suuq Boocle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -