Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Saraakiil katirsan Al Shabaab oo Howlgal lagu dilay (Akhriso Magacyada)

Howlgal ciidanka Milatariga Soomaaliya ka sameeyeen duleedka Degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in lagu dilay saraakiil katirsan dagaalyahanada Al Shabaab.

Saraakiil katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Codka Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in howlgalka ay sameeyeen ciidanka Milatariga ku dileen saraakiil katirsan Al Shabaab.

Waxa ay sheegeen Saraakiisha Milatariga Soomaaliya in howlgalka lagu dilay Macalin Xuseen oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka iyo Farxaan Daahir Xiirane oo isna la sheegay in Shabaab u qaabilsanaa dhanka Sirdoonka.

Ma jiro cid ka madax banaan saraakiisha Milatariga Soomaaliya oo xaqiijinaya dilka la sheegay in loo geestay saraakiil katirsan Al Shabaab , mana jiro war kasoo baxay Al Shabaab oo arintan ku aadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar kamid ah Kaamirooyinkii Dowlada ku xirtay Muqdisho oo saakay la qarxiyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Doxa (Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska oo lagu dilay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---