Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal katirsanaa Qunsuliyadda Itoobiya ee Garawe oo lagu dilay Laascaanood

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo , ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay sargaal katirsanaa qunsuliyadda dowladda Itoobiya ku leedahay magaalada Garawe.

Faarax Caydiid Jaamac (Bariis) oo kamid ahaa saraakiisha qunsuliyada Itoobiya ee Garowe, ahaana khabiir dhanka amniga ah ayaa xalay dilay magaalada Laascaanood ee xarunta SSC-Khaatumo.

Sargaalkan oo guri uu ka daganaa magaalada Laascaanood lagala baxay, ayaa meydkiisa laga helay dooxada ceelka Goojacade, iyadoo ay ku yaalan xabado iyo jirdil, lagana qaatay teleefoonkiisii gacanta ka hor inta aan la dilin.

Maamulka SSC-Khaatumo, ayaa weli ka hadlin dilka magaalada Laascaanood loogu gaystay sarkaalka sare ee ka tirsanaa qunsuliyada Itoobiya ee magaalada Garowe.

Screenshot

Related posts

International partners appeal to Parliament on eve of presidential Election

Caydiid Ali

Tacshiirad la isku weydaarsaday Muqdisho oo dhimasho & dhaawac sababtay

Caydiid Ali

Dowlada oo soo dhaweysay Go’aankii Musharaxiinta ku baajiyeen Banaan baxii beri

Cabdi Cade
Taboola Ads ---