Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlad dooneysa in ay Dumiso Masjid weyn iyo Muslimiin ka carooday (Daawo Sawirada)

Dowlada Shiinaha ayaa dooneysa in ay dumiso Masjid weyn oo dhawaan laga dhisay gobol kuyaala galbeedka dalkaasi ee Ningxia, waxaana duminta masjidkaasi si weyn uga soo horjeestay Muslimiinra dalkaasi.

Kumanaan Muslimiin ah oo kunool dalka Shiinaha ayaa banaan bax ay uga soo horjeedaan qorshaha dowlada Shiinaha ku dumineyso Masjidka  waxa ay ka hor dhigeen afaafka Masaajidka.

Muslimiinta isugu soo baxay dhismaha Masjidkan cusub ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay uga soo horjeedaan qorshaha dowlada, waxa ayna ugu baaqeen dowlada Shiinaha in ay ixtiraamto diimaha gaar ahaan diinta Islaamka.

Dowlada Shiinaha ayaa sababta ay u dumineyso masjidkan ay Musilmiinta Shiinaha ku cibaadeesanayaan waxa ay ku sheegtay in la dhisay masjidka iyada oon dowlada wax fasax ah laga heysan.

Qorshaha dowlada Shiinaha ku dumineyso masjidkan ayaa dib loo dhigay mudo aan la cayimin, waxaana hada socda wadahadalo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa in la dumiyo masjidkan oo dhisimihiisa ku baxeen qarash aad u badan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada Lacago Dowlada Federaalka siisay Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Haweeney jago culus ka heysay dowlada Spain oo xilka ku weysay alaab ay ka xadday dukaan (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe iyo Mahdi Guuleed oo kulan ku yeeshay Garawe (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---