Tirada Lacago Dowlada Federaalka siisay Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xiligan waxaa soo wajahay khalalaase siyaasadeed, waxaana laga cabsi qabaa in dib u dhac ku yimaado doorashada oo lagu waday in ay dhacdo 17-ka bishan.

Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xiligan ku sugan magaalada Muqdisho, kadib markii diyaarado looga soo daabulay magaalada Baydhabo oo xarun u aheyd.

Malaaq Cali Cabdiraxmaan (Cali Shiine) oo kamid ah hoggaanka dhaqanka ee beelaha Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyay dowlada Federaalka Soomaaliya in ay faro galin xoogan ku heyso doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay Malaaq Cali Shiine in Xildhibaanada Koonfur Galbeed intooda badan diyaarado lagu geeyay Muqdisho, waxa uuna tilmaamay dowlada Federaalka Xildhibaanada u qeybisay lacago laaluush ah una yeerisay ruuxa ay rabaan in la doorto.

” Diyaarado ayaa Baydhabo looga daabulay 74- Xildhibaan, markii Xildhibaanada la geeyay Muqdisho waxaa midkiiba la siiyay min 5-kun Dollar, waxaa lagu yiri Xildhibaanada Shariif Xasan lama shaqeyn karno ee hebel doorta, ”Ayuu yiri Malaaq Cali Shiine.

Malaaqa ayaa sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ujeedkeedu yahay in meesha laga saaro Shariif Xasan, waxa uuna tilmaamay in dowladu wadato dad gaar ah ay la dooneyso Hogaanka Koonfur Galbeed.

Hadalka Malaaqa ayaa kusoo aadaya xili magaalada Muqdisho joogaan inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana dad badan u arkaan in siyaasad ka ka dambeyso in Xildhibaanada lagu xareeyo Hoteelo kuyaala Muqdisho.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la filayaa in dib uga dhacdo xiligii horey loo qorsheeyay, waxaana Madaxweyne Shariif Xasan wadaa qorshayaal uu ku doonayo in waqti dheeraad ah xilka sii hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -