Haweeney jago culus ka heysay dowlada Spain oo xilka ku weysay alaab ay ka xadday dukaan (Daawo Sawirro)

Hoggaamiyaha gobolka Madrid ee dalka Spain ayaa xilka iska casishay kaddib markii lagu eedeeyay inay alaab ka xadday goob laga tukaamaysto.

Cristina Cifuentes ayaa muuqaalkan la sheegay in laga duubay sannadkii 2011 ku sheegtay weerar shakhsi ah oo lagu soo qaaday. Muuqalka ayaa muujinayo iyadoo u dhiibaysa alaab waardiyaha goob laga tukaamaysto.

Waxay ku dooday in alaabta ay ku iibsatay qiimo dhan 50 doolar, balse waxay ku fashilntay iney cadeyn u keento arintaas.

Haweeneyda hoggaamiyaha ka ahayd gobolka Madrid ee dalka Spain Cifuentes oo 53 jir ah ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay waxay wajahaysay eedeymo ah inay qaadatay shahaadada labaad ee jaamacadda oo been abuur ah.

Ms Cifuentes ayaa ku tilmmaantay muuqaalka mid lagu waxyeelleynayo sumcaddeeda.

”Waxaa uu ahaa dambi aan si ula kac ahayn oo loo adeegsaday dano siyaasadeed”, ayay tiri hoggaamiyahan xilka iska casishay.

Mid kamid ah saraakiisha xisbiga talada haya ee dalka Spain Partido Popular ayaa sheegay in Ms Cifuentes ay kal horaba wajahaysay cadaadis uga imaanayay xisbiyada mucaaradka sababo la xirriira dood ka dhalatay Shahaadadeeda jaamacadda.

Shir jaraa’id oo ay maanta qabatay ayay ku sheegtay inay qorshaynaysay inay is casisho toddobaadka dambe balse ay gaartay go’aankaasi si ay ugu jawaabto eedeymaha loo jeediyay.

Iscasilaadda madaxa gobolka Madrid ayaa dhabar jab ku ah madaxweyne Mariano Rajoy oo xisbigiisu ay lasoo deristay fadeexado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -