Axmed Madoobe iyo Mahdi Guuleed oo kulan ku yeeshay Garawe (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Xukuumada Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Garawe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaana salaan ugu tagay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya, waxaana labada masuul salaan kadib iska wareesteen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sida ugu macquulsan ee looga gudbi karo xiliga kala guurka ah.

Madaxda ka qeybgaleysa shirka Garawe ka furmay oo isugu jira Mucaarad iyo muxaafid ayaa kulamo kala duwan magaaladaasi ku yeesheen, madaxda kulantay ayaana waxaa ku jira kuwa horey aan u kulmi jirin oo khilaaf xoogan ka dhaxeeyay.

Magaalada Garawe ayaa waxaa isugu tagay Madax kala duwan oo ka qeyb galeysa shirka Madasha aragti Wadaaga uu soo qaban qaabiyay Machadka Heretige, waxaana shirkan diirada lagu saarayaa arimaha doorashada Soomaaliya iyo xiliga kala guurka.#

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -