Nin Dhallinyaro oo si joogto ah u Daryeela Xayawaanka Yeyda ! (Daawo Sawirro)

Nin dhallinyaro 26 jir ah oo u dhashay Shiinaha ayaa si caadi ah ula nool yey gaaraya 300 gudaha gobalka Mangolia, waxa uuna ninkan ku caan baxay daryeelka yeyda .

Taniyo carruurnimadiisa, ayuu Wang Nan jeclaa dugaaga miciyaleyda ah ee yeyda oo ku bah ah eyga. Sannadkii 2015 ayuu si kastaba bilaabay inuu la qabsado nolosha yeyda. Waana halka uu kasoo bilowday xiriirka kala dhaxeeya.

Wuuu quudiyaa – isaga oo is jaqsiiya; koriyaana yaryarkooda. Maanta waxay gaarayaan 300. Waxayna u arkaan saaxiibkood iyo walaalkooda ka weyn sida uu sheegay.

Maalin ku baahay baraha bulshada ayuu ku sheegay inuu maalin walba xanaaneeyo yeydan lana cayaaro.

Wuxuu qiray in bilowgu ahaa mid adag maadama la-qabsigooda uu kala kulmay waxyeelo. Waxaana ku yaalla qaniinyooyin ay ku dhigeen. Wuxuu balanqaaday inuusan cidlo uga dhaqaaqi doonin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -