Sargaal Ciidan oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa caawa degmada Hodan gaar ahaan meel ku dhaw isbitaalka Soomaali Suudaanees ee kuyaalla agagaarka isgooska Digfeer ku dilay sargaal katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeesan ayaa dhoor xabadood ku dhuftay sargaalka katirsanaa ciidanka booliiska oo lagu magacaabayay Kabtan Mahad Maxamed Xasan (Mahad Afhdeere).

Kooxdii dilka sargaalkan fulisay ayaana goobta si degdeg ah uga baxsatay, waxaana goobta uu dilku ka dhacay meel aan ka fogeyn koontarool yaalla ku sugnaa ciidamo katirsan booliiska, kuwaa oo goobta gaaray markii ay baxsadeen kooxdii dilka geesatay.

Sargaalkan caawa lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa in muddo katirsanaa booliiska Soomaaliya , waxa uuna horey usoo noqday taliyahii ciidanka booliiska ee ilaalada ka ah Isbitaal Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -