Ra’isul Wasaare Kheyre oo la kulmay Xoghayaha Hantidhowrka Maraykanka iyo Madax katirsan IMF iyo Bangiga Aduunka (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Xassan Cali Kheyre, ayaa  magaalada Washington ee caasimada dalka Mareykanka kula kulmay Madax sare oo katirsan Wasaaradda Maaliyadda ee dalka Maraykanka iyo Hay’ada Lacagta IMF iyo Bangiga Aduunka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la yeeshay Xoghayaha hantidhowrka ee Dalka Maraykanka Mudane David Malpass iyo Kooxdiisa Waxayna ka wada hadlayn horumarka laga gaaray dhaqaalaha Soomaaliya sanadkii ugu dambeeyay wuuxuna ugu hambalyeeyay Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra,iisul Wasaare Khayre Talaabooyinka dhanka dhaqaalaha ah ee xukuumaddu qaaday sanadkii dhamaaday.

Sidoo kale Xasan Cali Kheyre kulan kale kula qaatay magaalada Washignon agaasime kuxigeenka maamulka ee hey’adda lacagta aduunka, Tao Zhang, waxaana kulankan looga hadlay arimo badan oo muhiim ah.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa uga warbixiyay Tao Zhang horumarada dowlada Soomaaliya gaartay sanadkii ugu dambeeyay , waxa ayna labada dhinac  isla soo qaadeyn sida ay muhiim u tahay in Soomaaliya laga cafiyo lacagta  deynta ah ee lagu leeyahay

Dhinaca kale Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale magaalada Washigton kula kulmay Gudoomiya ku xigeenka Bank-ga aduunka Makhtar Diop ,  waxaana kulankan looga hadlay qorshaha Cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya oo gaaraya Balaayiin  doolar .

Talaabooyinka dhanka dhaqaalaha ah ee xukuumaddu qaaday sanadkii dhamaaday ayuu sheegay Makhtar_Diop in ay muujineyso sida ay Soomaaliya ay ugu dadaashay wax ka qabashada dhibaatooyinka dhaqaale.

Kulamadaan Muhiimka ah ee madaxda Bankiga aduuunka iyo IMF uu Ra’isul Wasaaraha la yeeshay ayaa waxa ay muujinayaan sida xuumadda uga go’antahay in Soomaaliya ay noqoto dal ka madax banaan deymaha fara badan ee lagu leeyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -