Xasan Kheyre oo baaq kasoo saaray Dagaalka Laascaanood Fariina u diray Dowladda

Ra’isul Wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay dagaalka dhiiga badan ku daatay ee saakay ka qarxay magaalada Laascaanood, dagaalkan ayaana u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo bulshada Laascaanood.

Xasan Kheyre ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay colaadda iyo dagaalka maanta dib uga soo cusboonaaday magaalada Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad shacab ah oon waxba galabsan.

”Waxaan aad uga xumahay colaadda iyo dagaalka maanta dib uga soo cusboonaaday magaalada Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad shacab ah. Waxaan u tacsiyeynayaa dhammaan ehelada iyo qaraabada dadka shacabka ah ee geeriyooday, waxaanna Allah uga baryayaa in uu Jannaddii ka waraabiyo inta dhaawaca ahna uu u boogo-dhayo” ayuu yiri Kheyre.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Kheyre ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland, madaxda, Isimadda , duubabka dhaqanka, iyo siyaasiyiinta reer Laasacaanood in la joojiyo colaada lagana shaqeeyo rabitaanka shacabka magaalada.

Kheyre ayaa sidoo kale ugu baaqay hey’adaha gargaarka  in ay u guntadaan sidii daaweyn, gurmad iyo samatabixin deg-deg ah loogu samayn lahaa dadka shacabka ah ee waxyeeladu kasoo gaareen dagaalka.

Ugu Dambeyn Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya in  masuuliyad dastuuri ahi ka saaran tahay ilaalinta midnimada Dalka iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -