Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Casuumad u fidiyay Madaxweyne C/Ladiif Jamaal Rashiid

Madaxweynaha dalka Ciraaq C/Ladiif Jamaal Rashiid ayaa la gaarsiiyay casuumad laga waday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku casuumay in uu booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho.

Danjiraha dowladda federaalka Soomaaliya  u jooga dalka Ciraaq, Ambassador Liibaan Sheekh ayaa lagu soo dhaweeyay qasriga madaxtooyada Ciraaq, waxa uuna halkaasi kula kulmay madaxweynaha dalka Ciraaq C/Ladiif Jamaal Rashiid .

Qoraal ka soo baxay baxay madaxtooyada Ciraaq ayaa lagu sheegay inuu Madaxweyne C/Ladiif Jamaal Rashiid uu qaabilay Danjiraha Soomaaliya u jooga Bagdaad kana guddoomay dhambaalkii uu madaxweyne Xasan Sheekh u soo diray.

Madaxtooyada Ciraaq qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya ku casuumay dhiggiisa dalka Ciraaq in booqasho rasmi ah ku yimaado magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Ciraaq, C/Ladiif Jamaal Rashiid waxa uu ka codsaday Danjiraha Soomaaliya inuu salaan khaas ah ka gaarsiiyo Madaxweyne Xasan Sheekh , isla markaan uu rajeynayo in la xoojin doono iskaashiga iyo xiriirka labada Waddan ee walaalaha ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hassan Rouhani oo si dadban Mareykanka ugu eedeeyay Dilka Wariye Jamal Khashoggi

Cabdi Cade

Maxkamad xukun ku riday 101 sano jir ka tirsanaa taliskii Adolf Hitler (Sawirro)

Caydiid Ali

Masuul ka tirsan Maamulka gobolka Shabeellaha hoose oo qarax lagu dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---