Golaha shacabka oo ansixiyey sharciga NISA & Mahad Salaad oo ka fal celiyey

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hey’adda Sirdoobka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA).

Sharcigan ayaa noqonaya kii u horreeyay ee Hey’addu yeelatay tan iyo dowladdii Kacaanka ee Hey’addan loogu yeeri jiray NSS.

144 Xildhibaan ayaa u codeysay sharciga NISA oo maalmihii la soo dhaafay ay dood kulul ka yeesheen Xildhibaannada kaddib markii uu maray illaa saddex Akhrin.

Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa noqda agaasimihii u horreeyay ee Hey’adda soo mara ee sharci u sameeya Hey’adda, isla markaana ay ansixiyaan Golaha Wasiirada iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Xildhibannada ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay ansixiyaan  Hindise Sharciyeedka Korontada oo isna ay xildhibaandu maanta Akhrinta 3-aad ay marsiinayaan,kadibna la filayo in ay cod u qaadaan.

Taliyaha NISA ayaa u mahadceliyay Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedka NISA, Waxaana qoraal uu soo saaray lagu bilaabay sidatan hoose:-

- Advertisement -