Dibed-baxayaasha Maraykanka oo iloobay hal arrin oo naftooda halis ku ah

Saraakiisha Caafimaadka Mareykanka ayaa ka digay in cudurka COVID-19 uu mar kale laba kacleyn karo ka dib banaanbaxyo ka dhacay qeybo badan oo Mareykanka ah oo ka dhashay dilkii loo gaystay George Floyd oo ahaa nin u dhashay bulshada madow, kaasoo ku baxay gacanta ciidamada booliska ee magaalada Minneapolis.

Dibad-baxayaasha ayaa maalmihii la soo dhaafay lagu arkayay magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka, iyagoo qaarkood ay maaskarooyin xirnaayeen halka qaarna aysan xirneyn.

Kala fogaanshaha dadka ayaa noqotay mid aan macquul aheyn in ay dadku fuliyaan xilliga debedbaxyadu socdaan.

Guddoomiyaha Gobolka Minnesota, Tim Walz, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in uu ka walwalsan yahay xaalladan. Waxa uu sheegay iney muuqato in dadku ay illoobeen in wali uu gobolku bartanka uga jiro xaaladda caafimaad ee degdega ah ee uu keenay cudurkan safmarka ah ee COVID-19, isaga oo xusay in isbitaalladu ay la tacaalayaan bukaano badan oo COVID-19 ah.

Maayorka magaalada Atlanta, Keisha Lance Bottom, ayaa iyana walaacaasi qabta iyada oo uu sheegtay AP in “Waxaa wali ka jira Mareykanka cudur safmar ah oo dilaya tiro aad u badan oo dadka madow iyo kuwa kale ee laga badan yahay.”

Mareykanka ayaa ah dalka diiwaangeliyey kiisaska ugu badan ee COVID-19 ee caalamka oo dhan, iyadoo ay haatan ka badan yihiin ilaa 1.7 milyan oo kiis. In ka badan 100,000 oo qof ayaa cudurkan ugu geeriyootay Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -