Dhacdo naxdin leh: Hooyo iyo todoba caruur ah oo ku dhintay hoobiye ku habsaday

Iyadoo dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood uu sii xoogeysanayo saacadba saacada ka dambeysa ayaa waxaa sidoo kale sii kordhaya khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalkaas.

Dhacdooyinka naxdinta leh ee laga soo werinayo dagaalka ka holcaya magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka mid ah qoys ka kooban hooyo iyo todoba caruurteeda ah oo ku naf waayey madfac hoobiye ah oo ku habsaday guri ay degenaayeen.

Meydadka qoyskan ayaa la geeyey Isbitaalka magaalada Laascaanood, waxaana la sheegay iney u dhinteen dhiig bax ka dib markii muddo saacado ah ay ku jireen hoygooda iyagoo dhaawacyo daran qaba.

Rasaasta iyo madaafiicda dhaceysay awgeed ayaa dadka degaanku waxay awoodi waayeen iney markiiba gurmad u fidiyaan qoyskan sida wararku sheegayaan.

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday qoyskan ay musiibadu ku habsatay ayaa lagu baahiyey baraha bulshadda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaafiicda hoobiyaha ah ee magaalada ku dhacaya ay soo ridayaan ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedyada magaalada, kuwaasoo duqeynayey illaa saaka goobaha ay joogaan xoogaga SSC.

Khasaarooyin kale oo naf maalba leh ayaa laga soo warinayaa dagaalka saaka ka socda Magaalada Laascaanood oo lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu xumaa ugu khasaaraha badnaa ee halkaas ka dhaca.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA INSHA ALAH  

- Advertisement -