Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Duq Magaalo ka tirsan Yurub oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho (Daawo Sawirro)

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Duqa Magaaladda Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullahi Aden.

Soo dhaweyntaan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Xildhibaanada Labada Aqal ee DFS, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal, Siyaasiyiin iyo qeybo ka mid ah Bulshada Gobolka Banaadir.

Duqa Magaalada Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullaahi Aadan ayaa loo soo galbiyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Waxaa uu halkaasi kulan kula qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyagoona ka wada hadlay Iskaashiga wada-shaqeyn iyo wax is-dhaafsiga labada Magaalo ee Bolnas iyo Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulada Somaliland iyo Taiwan oo heshiis cusub oo iskaashii ah kala saxiixday

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Madaxweyne Ashraf Qaani oo ka cararay Kabul

Cabdi Cade

Cuba oo diiday war Mareykanku ka soo saaray dhaqaatiir lagu waayey Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---