Allbanaadir.com
NEWS

Aabe Gabadhiis u geestay Dil Sharafeed lagu tilmaamay iyo Carro xooggan oo ka dhalatay

Aabe u dhashay dalka Ciraaq ayaa dil dad badan ka argagaxeen u geestay gabar dhallinyaro ah uu dhalay, gabadha la dilay oo kunooleed dalka Turkiga ayaa qoyskeeda oo degan dalka Ciraaq ugu timid booqasho.

Tiba al-Cali, oo 22-sanno jir aheyd ayaa kunooleed sannadihii lasoo dhaafay dalka Turkiga, waxa ayna gabadhan go’aansatay in salaan iyo booqasho ugu tagto qoyskeeda oo kunool dalka Ciraaq ay muddo ka maqneed.

Aabahan ayaana gabadhiisa u geestay dil uu ugu yeeray sharfeed , isagoona si weyn uga carreesnaa in gabadhiisa iyada oo kali ah ku noolaato dalka Turkiga, sidoo kale si weyn  caan uga noqoto baraha bulshada ay ku baahin jirtay muuqaalo iyo sawirro .

Dilkan ayaana carro badan ka abuuray gudaha dalka Ciraaq, waxaana dhallinyarada sida weyn u isticmaala baraha bulshada iyo dadka kalaba ugu baaqeen dowladda in ay sharci kasoo saarto waxna ka qabato dil sharafeedka ay waalidka u geestaan carruurtooda.

Dadkan ayaa sidoo kale dowladda ugu baaqay in tallaabo adag ka qaado dhaqanka nuucaan oo soo badanaya, waxa ayna dadka carreesan sheegeen in ay sii badanayaan dhaqanada dilka loogu yeero sharafeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abiy Axmed oo ku hanjabay in Dekad ay isticmaalaan xoog ku raadsanayaan haddii ay…

Cabdi Cade

Wasiir Fiqi oo qoraal u diray dhigiisa dowlada cusub ee Siiriya

Caydiid Ali

Siyaasi Caan ah oo la mamnuucay in lagu soo booqdo Xabsi weyn uu ku xiran yahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---