Dowlada Mareykanka oo Baaq cusub kasoo saartay Dagaalka ka socda dalka Itoobiya

Dagaalka ka socda dalka Itoobiya ayaa sii xoogeestay, waxaana dagaalka hada ku biiray oo wax ka hogaaminaya Masuuliyiin uu ugu horeeyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo tagay jiidaha hore ee dagaalka.

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Antony Blinken, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dowladiisa aad uga walaacsan tahay dagaalka ka socda Itoobiya , waxa uuna ugu baaqay dhinacyada is haya in dagaalka si deg deg ah u joojiyaan.

Antony Blinken, ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka Kenya  kala hadlay colaada ka aloosan dalka Itoobiya iyo walaaca xoogan ay Mareykanka ka qabaan dagaalka socda uu tilmaamay in xasilooni daro u keeni karo geeska Afrika.

“Waxaan dhammaan dhinacyada dagaallamaya ugu baaqeynaa inay tallaabooyin muhiim ah u qaadaan dhanka nabadda si loo ilaaliyo midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Itoobiya,” ayuu bartiisa Twitter ku qoray xoghaye Blinken.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya  oo jooga furumaha dagaalka ayaa sheegay in ciidamada Federaalka ay guulo waa weyn ka gaareen dagaalka ayna goobo badan ka saareen ciidamada TPLF ee dagaalka kala horjeeda.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -