Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo shaaciyey in la arkay balloon labaad oo Shiinaha u basaasaya

Waaxda Difaaca Maraykanka (The Pentagon) ayaa shaacisay in la arkay Buufinkii 2-aad ee Basaaska ee Shiinaha maalin kadib, markii balloonkii 1-aad lagu arkay Hawada Maraykanka.

Afhayeenka The Pentagon, Brig. Gen. Patrick S. Ryder oo shalay la hadlay Suxufiyiinta waxa uu sheegay in Balloonka cusub ee wax basaasa uu dul heehaabayo Hawada Latin America.

“Waan ka war haynaa Wararka sheegayo Balloonka dul heehaabayo Latin America,  waxaan u aragnaa mid xiriir la leh Balloonkii hore  ee Basaaska ee Shiinaha” ayuu yiri Afhayeenka oo ka gaabsaday inuu Faahfaahin ka bixiyo halka uu heehaabayo Balloonka lagu arkay Hawada Latin America.

Afhayeenka waxa uu diiday inuu bixiyo Warbixin Cusub, wuxuuse xusay in Taliska Difaaca Hawada Sare ee Waqooyiga Maraykanka sii wadaan Ilaalaynta Balloonka Basaaska ee Shiinaha ee haatan dul heehaabayo Bartamaha Qaaradda America

Mar wax laga weydiiyey sheegashada Shiinaha inuu Balloonkaasi yahay mid dhanka cimilada waxa uu tilmaamay inay ka war hayaan Hadalka  Shiinaha balse ay xaqiiqdu tahay inuu Balloonkaasi yahay Ilaalo.

Waxa uu intaasi ku daray in Balloonkaasi ku soo xadgudbay Hawada Maraykanka iyo Sharciga Caalamiga, taasina aan la aqbali karin, isla markaana ay si toos ah Dowladda Shiinaha ugala xiriireen arrintaasi.

Dhanka kale, Afhayeenka Waaxda Difaaca Maraykanka, Brig. Gen. Patrick S. Ryder waxa ka wada gaabsaday Su’aalihii la xiriiray Tallaabada xigta ee ay ka qaadi doonaan Balloonka Basaaska dul heehaabayo meel 60,000 oo cagood (feet) ka sareeysa dhulka.

Su’aalaha uu Afhayeenka ka gaabsaday waxaa ka mid ahaa:

– Mar haddii uu Balloonka dul marayo Montana, ma Dowladda Shiinaha ayaa maamusha Dhaqdhaqaaqa Balloonkaasi?

– Haddii uu Balloonka Basaaska gaaro Badda korkeeda ma toogan doontaan?

– Intee in le’eg ayuu Maraykanka ugu dhawaaday Amarkii Madaxweynaha ee ahaa in la toogto Balloonka ?

Qalinka: Ustaad Nuradin Ahmed Dini

 

Related posts

Golaha Wasiirada Somalia oo ansixiyey miisaaniyada DF ee sanadka 2023 (Sawirro)

Caydiid Ali

Zahra Naaleeye: “Soomaaliya 30-kii sano ee u dambeeyay waa yaraaday gudniinkii gabdhaha”

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Hobyo (Sawirro)

Cabdi Cade