Haweeney Meydkeeda laga helay hotel ku yaalla Muqdisho & baaritaano socda

Faahfaahin dheeraad ahaa ayaa ka soo baxaya Haweeney meydkeeda laga helay Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo kiiskeeda ay baaritaan ku hayaan ciidamada Booliska qeybta dabagalka dembiyada ee C.I.D.

Marxuum Suleeqa Yuusuf Barkhadle waxay ahayd hooyo leh Shan Caruur ah oo agoon ah, iyadoo hore looga dilay ninkeeda oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda, waxaana saaka Meydkeeda laga soo saaray Hotel ku yaal Isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya Haweeneydan oo deganeyd agagaarka xaafadda Shiirkole ay tagtay Hotelka arrimo u gaara dartood, kadibna la waayey, halka markii danbe meydkeeda laga helay qolkii ay ka degeneyd hotelka, iyadoo aan wax dhaawac ah laga helin jirkeeda.

Ciidamada Booliska ayaa hotelka gaaray, waxaana la xiray qaar ka mida maamulka iyo shaqaalaha Hotelka, iyadoo meydkeeda la geeyay Isbitaalka Digfeer, waxaa jira shaki ku saabsan in la sumeeyay haweeneyda oo hadda uu socdo baaritaan lagu xaqiijnayo sababta ay u geeriyootay.

   Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -