Dowlada Soomaaliya oo ka farxisay Hooyo Muqdisho ku murugeesneyd (Sawirro)

Wasiirka Cadaalada Xukuumada Soomaaliya Abdulkadir Mohamed Nur Jaamac ayaa ku guuleestay in xabsi kuyaala magaalada Muqdisho kasoo daayo askari horey uga tirsanaa ciidanka dowlada oo loo xiray in uu iibsaday qoray dowlada laheyd.
 
Hooyada dhashay askarigan oo ah qof waayeel ah ayaa dhawaan codsatay in gacan lagu siiyo in wiilkeeda oo kasoo haray 14-caruur ah ay dhashay xabsiga looga sii daayo, waxa ayna sheegtay in har iyo habeen murugo ku jirto.
 
Wasiirka Cadaalada oo durba ka jawaabayay codsiga hooyadan dhibaateesan ayaa ku guuleestay in uu xabsiga kasoo saaro wiilkeeda ka xirnaa, waxa uuna isla maanta hooyadan iyada oo faraxsan ku wareejiyay wiilkeeda oo mudo 4-sano ah ka xirnaa.
 
”Ilaahey SW ayaa mahad iska leh oo noo suura geliyey in aan maanta ku wareejino Maamo Luul Cusmaan wiilkeeda Xasan Cali ,Waxay nagu qaadatey mudo labo maalin ah si loo soo dhameestiro habraacii lagu deyn lahaa oo sharci ah, Xuseen Cali waxaa ku maqnaa hanti Qaran waxaana bixiyey dad muxsiniin ah” ayuu yiri Wasiir Jaamac.
 
Hooyo Luul Cusmaan  ayaana u mahad celisay qof kasta oo gacan ka geestay sii deynta wiilkeeda, waxa ayna si gaar ah uga mahad celisay Wasiirka Wasaarada Cadaalada oo ka farxiyay kana shaqeeyay sii deynta wiilkeeda.
- Advertisement -