RW Abiy Ahmed oo markii ugu horeysay la kulmay masuuliyiinta TPLF (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay la kulmay madaxda sare ee ciidamada gobolka Tigray ka dib heshiiskii nabadeed ee ay gaareen dowladda iyo TPLF kaaso soo afjareya laba sano oo dagaal ah, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

“RW Abiy iyo waftiga TPLF ayaa ka wada hadlay arrimo ku saabsan halka uu marayo geeddi-socodka nabadda,” ayaa lagu yiri barta ay ku leedahay Twitter-ka warbaahinta Itoobiya. waxaa ka mid ahaa xubnaha abiy la kulmay Afhayeenkii TPLF Getachew Reda iyo xubno kale.

Natiijo ahaan, RW Abiy wuxuu gaaray go’aanno ku saabsan kordhinta duulimaadyada, bangiyada iyo arrimo kale oo kor u qaadaya kalsoonida iyo fududeynta nolosha rayidka ee gobolka Tigray.

Xukuumadda Addis Ababa iyo ciidamada Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa bishii November kala saxiixday heshiisyo lagu joojinayo colaadda si joogto ah, taasoo soo afjartay dagaallo ay ku dhinteen tobanaan kun, malaayiinna ku barakaceen.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee Abiy uu la qaato madaxda sare ee gobolka Tigrayga tan iyo markii uu dagaalka qarxay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -