Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Turkiga oo ka falceliyey arrin ay ku dhaqaaqeen qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiye ayaa u yeertay Danjirayaal xiray Safaaradaha iyo Qunsulliyadaha Guud ee ay ku leeyihiin magaallooyinka Ankara iyo Istanbul.

Danjirayaasha loo yeeray waxay ka kala socdeen dalalka Maraykanka, UK, Germany, Belgium, Italy, The Netherlands,  France, Switzerland iyo Sweden.

Muddadii uu Kulankaasi socday, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiye waxay shaacisay in dhamaan Ammaanka Hay’adaha Diplomaasi ee ku sugan dalkaasi la hubiyey, iyadoo asaas looga dhigay Heshiisyada Caalamiga.

Dareenka Danjirayaasha waxaa soo jiitay sida loogu baahan yahay Iskaashi dhanka La-dagaalanka Argagixiso.

Dhanka kale,  Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiye waxay sheegtay in Tallabada ay dalalka Reer Galbeedka qaadeen ay u adeegayso Danaha ururada Argagixiso.

Mar sii horeysay, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiye, Suleyman Soylu waxa uu sheegay in Safaaradaha loo xiray oo keliya cabsi Argagixiso, inkastoo aysan Safaaradaha dalalka Reer Galbeedka ku sugan gudaha dalka Turkiye soo bandhigin wax caddayn ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaflad iskugu jirtay sagootin & shahaado bixin oo Jaamacadda Banaadir lagu qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliska Xoogga oo beeniyey Warar lagu faafiyey baraha bulshada

Caydiid Ali

Wasiirkii hore Aminga Jubalanad oo ka qoomamaynaya teegeeradii Farmaajo & Shaki soo waajajahay

admin
Taboola Ads ---