Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Muxuu Deni kala hadlay saraakiisha taliska ciidamada PMPF? (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray Talliska Guud ee Ciidamada PMPF oo uu tababaray Imaaraadka.

Deni ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee PMPF Cabdirabbi Cabdisamed Maxamed, Agaasime Ku-xigeenka Maxamuud Silaal Cumar, Talliyaha Hawlgelinta G/S Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac iyo Saraakiisha sar-sare ee ciidamada.

Masuuliyiinta iyo Saraakiisha ciidamada ayaa Madaxweynaha Puntland uga warbixiyey shaqooyinka Amni ee u qabsoomay, tababarada ciidanka, dedaalada socda iyo shaqooyinka qorshaysan.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku bogaadiyey ciidamada iyo hogaankoodaba hawlkarnimada, hufnaanta iyo dedaalka ay markasta heeganka ugu yihiin difaaca dalkooda iyo garab istaagga shacabkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxwene Jocob Zuma oo si cad u diiday in uu is casilo 

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Xoghayaha Difaaca Mareykanka

Cabdi Cade

Yaa ku tartamaya Doorashada Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee maanta Jowhar ka dhaceysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---