Allbanaadir.com
NEWS

Yaa ku tartamaya Doorashada Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee maanta Jowhar ka dhaceysa

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedla Hirshabelle ka dhacdo doorashada labo kursi oo kamid ah kuraasta gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed Hirshabelle ayaa shalay shahaadada musharaxnimo siiyay afar musharax oo maanta ku tartamaya labada kursi ee tirsigoodu yahay HOP#070 iyo HOP#115.

Kursiga tursigiisu yahay HOP#070  waxaa maanta ku tartamdi doona Cabdirahmaan Maxamed Sheekh iyo Maxamad Xasan Bariiise, halka kursiga kale ee HOP#115 iyana ku tartami doonaan Cali Maxamed Cumar “Cali Balcad” iyo Mulki cabdullahi islow.

Doorashada labadan kursi ayaa ah mid aan xamaasad laheyn oo loo xiray musharaxiin si gaar ah loo wato, waxaana labada musharax ee lasoo saarayo horey usoo wateen musharaxiin malxiis ah oo laga yaabo doorashada kahor in ay tanaasulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii ciidanka Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Somalia oo la dhaawacay

Caydiid Ali

Mas noociisa aan dunida horey loogu arag oo laga helay webiga Amazon (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaafiic goordhaw lagu garaacay xarunta Madaxtooyada iyo xaafadaha ku dhaw dhaw

Cabdi Cade
Taboola Ads ---