Madaxweyne caan ah oo wada dedaalo lagu xalinayo xiisada ka taagan Laascaanood

Urur goboleedka IGAD ayaa madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku bogaadiyey, dadaalo nabadeed oo uu ka wado xiisada ka taagan Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu, ayaa sheegay in xiisada Laascaanood ay ka urur ahaan  ku abuurtay walaac, loona baahan yahay in xal nabadeed laga gaaro.

”Waxaanu soo qaadanayna xiisada ka dhawaanahan ka jirtay Laascaanood, taasoo walaac abuurtay, marka la eego khasaaraha nafeed ee ka dhashay, xaalada Somaliland waxay u baahan tahay in fiiro gaar ah oo ku aadan heshiis nabadeed laga yeesho” ayuu yiri Gebeyehu.

Xoghayaha ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaalo dhexdhexaadin ah oo uu Madaxweynaha Jabuuti ka wado xiisada Laascaanood, waxaanu sheegay in ururku uu Geelle ku dhiirigalinayo inuu sii wado dhexdhexaadinta.

Magaalada laascaanood ayaa Todobaadyadan waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysay Ciidamada Somaliland iyo shacabka oo ka careysnaa dilal magaalada ku soo batay, waxaana ka dhacay rabshado ay dad badan ku dhinteen, iyadoo ugu dambeyna ay magaaladaas la wareegeen maleeshiyo beeleed hubeysan oo ka saaray ciidamadii Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -