Mareykanka oo war ka soo saartay shir madaxeedkii shalay ka dhacay Muqdisho

Mareykanka ayaa taageero u muujiyey shirkii ay Magaalada Muqdisho shalay ku yeesheen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo dalalka ciidamadda ku taageeray howlgalka ATMIS.

Qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu bogaadiyay midnimada ay hogaamiyeyaasha ku wajahayaan dagaalka AlShabaab iyo amniga Geeska Afrika.

“Waxaan ugu hambalyeyneynaa hogaamiyeyaasha geeska afrika midnimadooda iyo dadaalka looga xoraynayo Soomaaliya oo dhan rabshadaha argagixisada iyo xoojinta amniga dhammaan Bariga Afrika” ayaa lagu yiri qoraalka.

Shirkii afar-geesoodka ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee ay ku kulmeen madaxda dalalka Soomaaliya, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya ayaa taageero loogu muujiyey hawlgallada ka dhanka ah ururka al-Shabab ee ay waddo dawladda Soomaaliya iyo sidii ay dalalka gobolku isaga kaashan lahaayeen hawlgallo wadajir ah oo laga sameeyo goobaha ay ku sii hadhsan yihiin kooxda al-Shabab.

War-murtiyeed shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay inay madaxda ay isla garowsadeen baahida loo qabo iskaashi sare loogu qaadayo garab is-taagga dalalka deriska ah ee la xiriira dagaalka ay Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Waxay sidoo kale madaxda isku raaceen in la sameeyo howlgal wadajir ah oo lagu qaadayo goobaha ay ku harsan yihiin argagixisada si gebi ahaanba Soomaaliya oo dhan looga xoreeyo Al-Shabaab, loona fududeeyo dhimista ciidamada ATMIS iyo in si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda amniga Soomaaliya loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -