Allbanaadir.com
NEWS

Ukraine oo ka qeylisay qorshe halis ah oo Ruushku damacsan yahay

Wasiirka Difaaca ee Ukraine Oleksiy Reznikov ayaa ka digay in Ruushka uu isku diyaarinayo weerar cusub oo dalkiisa lagu soo qaado, isagoo shaaca ka qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u bilaaban karo, marka la gaaro 24-ka Febraayo oo ah sanadguuradii koowaad ee duulaankii Ruushka.

Reznikov waxa uu sheegay in Moscow ay abaabushay kumanaan askari ayna “isku dayi karaan Howlgal xoogan” marka la gaaro sanadguuradii koowaad ee duulaanka Ruushka ku qaaday Ukraine, kaasoo bilowday bishii February ee sanadkii hore.

Reznikov ayaa sheegay in Moscow ay abaabushay ilaa 50 kun oo askari si ay u fuliyaan weerarkan.

Dhinaca kale, In ka badan 12 sarkaal oo sare oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa Khamiistii gaaray Kyiv iyaga oo ballan-qaadyo ah ku bixin doona kaalmo milateri, dhaqaale iyo siyaasadeed, safar astaan ah oo loogu talagalay in lagu muujiyo taageerada Ukraine iyadoo sannad-guuradii koowaad ee duullaankii Ruushka ay soo dhowdahay.

Laakiin Midowga Yurub ayaa qarka u saaran inuu baabi’iyo rajada Ukraine ee ah in si degdeg ah loogu oggolaado xubinnimada, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo tallaabooyin badan oo ka dhan ah musuqmaasuqa, oo aan dooneynin inay qirtaan waddan uu ka socdo dagaal, iskahorimaadkii ugu weynaa ee hubaysan ee Yurub tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiikh oo u digay dadka beenta & caayda ku faafiya baraha Bulshada

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo goordhaw si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Cadaado

Cabdi Cade

Ruto oo ka codsaday mucaaradka inay fursad siiyaan oo joojiyaan Dibad baxyada

Cabdi Cade