Maxkamada ciidamada DF oo saaka toogasho ku fulisay afar nin oo dil ku xukunaa

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee DF saaka dil toogasho ah ku fulisay afar nin oo ka tirsanaa qeybaha kala duwan ee ciidamada dowlada.

Toogashada Raggan oo ka dhacday fagaaraha iskoolo Buluusiyo oo ku yaalla degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho.

Ragga saaka la toogtay ayaa waxay kala yihiin magacyadooda sidatan:-

1- Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsanaa.

2- Cali Maxamuud Xuseen oo Military-ga ka tirsanaa.

3- Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar oo Boliiska ka tirsanaa.

4- Maxamed Nuur Sheikh Warre oo isna Boliiska ka tirsanaa.

Dhammaantood waxaa horey xukuno dil ah ugu riday Maxkamada ciidamada qalabka sida ka dib markii lagu helay iney  horey u dileen Saaxiibbadood ay Shaqa wadaaga ahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -