Gudoomiye Yariisow oo xalay saqdii dhexe kormeeray fariisimaha ciidamada ee Muqdisho (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe kormeeray xarumaha iyo baraha ay ka howlgalaan Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee degmooyinka Muqdisho qaarkood.

Goobaha ay tageen waxaa ka mid ah isgoysyada Muqdisho oo dadka iyo gaadiidka lagu baaro.

Masuuliyiintan ayaa waxaa kormeerkooda ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenada gobolka iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Booliska, waxaana ka mid ah Isgoysyada ay kormeereen KM4, isgoyska Soobe, isgoyska Dan-wadaagta iyo Ex-control Afgooye, iyagoo sidoo kale koormeeray saldhiga Galbeed ee degmada Dharkeynley iyo saldhiga degmada Hodan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa saraakiisha iyo Ciidanka Booliiska ku amaanay sida ay habeen iyo maalin diyaarka ugu yihiin sugidda amniga caasimada isagoo shacabka Muqdisho ugu baaqay iney ciidamada ammaanka gacan ku siiyaan waajibaadkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -