Milatariga Itoobiya oo diiday in dadka Soomaalida ah ay ka baxaan magaalada Jigjiga

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee caasimada dowlda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in xaalada magaaladaasi ay tahay mid degan, waxaana wali magaalada gacanta ku haya ciidamo katirsan Milatariga Itoobiya.

Milatariga gacanta ku haya magaalada Jigjiga ayaa lagu soo waramayaa in dadka Soomaalida ah u diidayaan in ay ka baxaan magaalada , waxaana marar badan ciidamada magaalada dib ugu soo celiyeen dad doonayay in ay ka baxaan.

Dadka deeegaanka ayaa sheegay in Ciidanka Milatariga kaliya ay ogolyihiin in magaalada Jigjiga ka baxaan dadka Muruq maalka ah ee kasoo jeeda Qowmiyadaha kale ee dalka Itoobiya kuwaa oo ka cabsi qaba in la dhibaateeyo.

Magaalada Jigjiga ayaa xaalad kacsanaan ah gashay maalintii sabtida , waxaana magaaladaasi ka dhacay rabshado xoogan oo sababay dhimasho , boob iyo sidoo kale barakac.

Milatariga Itoobiya ayaa doonaya in xaalada Jigjiga ay caadi kusoo celiyaan kadib markii uu is casilay Madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Iley, waxaana hada si tartiib tartiib ah usoo laabanaya ganacsigii magaalada ka jiray oo malamo badan xirnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -