Masuuliyiin la amray in ay si deg deg ah ku yimaadaan magaalada Jowhar

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku amray masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo tan magaalada Baladweyne in ay si deg deg ah u yimaadaan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

Masuuliyiinta looga yeeray magaalada Jowhar waxaa ku jira Gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo kuxigeenadiisa iyo sidoo kale Duqa magaalada Baladweyne, lamana cadeyn wali sababta Masuuliyiintan loogu yeeray.

Xoghayaha maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Madaxweyne Waare Jowhar uga yeeray Madaxda maamulka gobolka Hiiraan, waxa uuna xusay in dhawaan Jowhar tagi doonaan.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa marar badan  isbadal lagu sameeyay mudada yar uu jiro maamulka Hirshabelle, waxaana maamulka gobolkaasi hareeyay is qab qabsi dhinaca maaliyada iyo arimo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -