Maxaa ka jira in Mareykanku casuumay Madaxweyne Xassan Shiikh?

Mareykanka ayaa ka hadlay warar maalmihii lasoo dhaafay la isla dhex marayay baraha bulshada oo ku saabsanaa in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud lagu marti qaaday booqasho uu ku tago Mareykanka.

Qoraal lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee Safaaradda uu Mareykanku ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in wararkaas aysan yihiin kuwo la been abuuray oo aan waxba ka jirin.

“Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waxay caddaynaysaa in xilligan aysan jirin casuumaad rasmi ah oo Mareykanku uu u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si uu u booqdo Washington, DC” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in dowladda Mareykanku ay ka war qabto in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu aad ugu mashquulsan yahay dhismaha dowladdiisa.

 

- Advertisement -