Wasiir Sabriye oo mar kale ka biyo diiday Qorshe uu watay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa mar kale ka biyo diiday qorshe la doonayay in xilka looga qaado qaar badan oo kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Wasiirka u diray Liiska Gudoomiyaasha xilka laga qaadayo iyo kuwa lagu bedeli lahaa, hasa ahaatee waxaa arintaasi ku gacan seeray Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya

Sida aan xogta ku heleyno Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa ka biyo diiday in uu xilka ka qaado Gudoomiyaasha Degmooyinka iyada oon la cadeyn sababta rasmiga ah ee xilka looga qaadayo.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow oo waayay sabab muuqata uu xilka uga qaado Gudoomiyaasha jooga ayaa dib ula noqday xil ka qaadistii iyo magacaabistii uu sameyn rabay  kadib culees uu kala kulmay Wasiirka Arimaha Gudaha.

Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa diidan in uu magacaabo Gudoomiyaal degmo aan wax wadatashi ah lagala sameyn, waxa uuna si weyn uga carooday Magacaabistii Gudoomiyaha Degmada Hodan oo Wasiirka isku heyb yihiin sidoo kale aan lagala tashan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaa in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir marar badan dacwo ka dhan ah Wasiirka Arimaha Gudaha u gudbiyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana Yariisow Kheyre u sheegay in uusan deg degin xalna la gaari doono.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa horey xilka uga qaaday Gudoomiyaasha Degmooyinka Hodan iyo Waabari, waxa uuna labadaasi degmo u magacaabay Kusimayaal aysan ka war heyn Wasaarada Arimaha Gudaha.

Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lagu tilmaamay in ay yihiin kuwa aad u nasiib badan, waxa ayna marar badan ka bad baadeen xil ka qaadis lagu sameyn rabay, iyadoona arintan sabab u noqotay in xiisad timaado mar walbo oo xilka laga qaadi rabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -