Xukun Adag oo lagu riday Askar dhac u geesatay Shirkada Hormuud (Daawo Sawirro)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqday dacwada xukun ciqaabeedkii loo heystay eedeysanayasha kala ah Dable Xoogga C/kariim Muuse Muxudiin 22-jira,dable Xoogga Aweys Faarax Maxamuud 21 –jir ah iyo Maxamuud Cali Maxamed oo maqane ah.

Saddexdaan eedeysane ayaa loo heystaa dhac burcadnimo hubeysan ah oo ay tiro labo jeer u geysteen Laamaha Shirkadda Hormuud ay ku kala leedahay deegaanka Kaabo-godeey ee degmada Wadajir iyo deegaanka Tareedisho oo ah halka loo yaqaano KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa eedeysanayaasha waxay ku xukuntay min shan sano oo xabsi ciidan ah iyo iney bixiyaan dhammaan lacagihii ay ka dhaceen Labada Xarumood ee Shirkadda Hormuud ee dhaca u geysteen,iyadoona Maxkamadda ay la wareegtay Hubkii ay dhaca ku geysteen,waxaana Xukunka ku dhawaaqay Guddoomiyaha Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

“Maxkamada Ciidamada Qalabka sida waxay ku dhawaaqeysaa dacwad ciqaabeedkii loo heystay eedeysanayaasha kala ah Dable Xoogga C/kariim Muuse Muxudiin 22-jira,dable Xoogga Aweys Faarax Maxamuud 21 –jir ah iyo Maxamuud Cali Maxamed oo maqane ah,kuwaasi oo xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ku soo eedeeyay danbiga ah Burcadnimo hubeysan,iyagoo tiro labo jeer ah dhac hubeysan u geysteen Shirkadda Hormuud Taariikhda markey ahayd 2/6/2018-ka waxay dhac u geysteen laanta shirkadda Hormuud ee Kaabo-godeey degmada Wadajir iyagoo ka qaatay Lacag dhan 10,874-dollar,sidoo kale 7/7/2018ka,waxay ka dhaceen Laanta shirkadda Hormuud KM13 deegaanka garasbaaleey lacag dhan 2,000 oo dollar,waxayna Ciidamada Amniga ku soo qabteen 1,500 oo dollar qeyb ka ah lacagtii ay ka dhaceen shirkadda Hormuud,” ayuu yiri Guddoomiye Shuute.

Eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda horteeda ka qirtay danbiga ay galeen,waxana Xukunka eedeysanayaashan ku dhacay ka mid ah in gabi ahaanba laga saaray ka mid ahaanshihoodii Ciidamada Xoogga dalka,waxayna Maxkamada la wareegtay Hubkii ay ku fuliyeen falka dhaca ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -