DF oo digniin adag siisay Ganacsatada ka dib hanjabaadii ka soo yeertay Cali dheere

Dowlada Soomaaliya ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqday ineysan dheg jalaq u siinin hanjabaada kaga timid afhayeenka Al-Shabaab  Cali Dheere ee la xiriirtay xiritaanka akoonadii kooxdaas ku laheyd bankiyada ka howlgala dalka.

Wasiirka ganacsiga Somalia Jibriil Abdirashid Xaaji ayaa ku bogaadiyey ganacsatada u hoggaansamidda awaamiirtii dawladda ee lagu joojinaayey lacagahii ay siin jireen Al-Shabaab, isagoo uga digay iney mar kale la macaamilaan al-shabaab.

“Ninka Cali Dheere la yiraah ee ku hadla Afka Khawaarijta, waxa aan u sheegayaa in aan waxba laga waydiinayn ilaalinta hantida umadda Soomaaliyeed oo cidda laga ilaalinayaa ay tahay isaga oo ah khawaarijta Al-Shabaab” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa xusay in hadalka Cali Dheere ay ka muuqato calaacal, ayna arrintaas guul u tahay shacabka Soomaaliyeed.

“Waa guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed in maanta Khawaarijtii Al-Shabaab ay caddeeyeen in lagu jabiyey dagaalkii dhaqaalaha ee dawladdu ku qaaday oo lagu badbaadiyey lacago tiro badan oo ay doonayeen inay baad uga qaataan ganacsatada Soomaaliyeed”ayuu intaas ku daray.

“Ganacsatada Soomaaliyeed way ku mahadsan tahay inay si joogto ah noo la wadaagaan xogaha la xiriira meelaha lacagaha looggu diro khawaarijta Al-Shabaab oo noo fududeysay in aanu badbaadino lacago tiro badan oo ay qaadan rabtay khawaarijtu”  ayuu yiri wasiirka sidoo kale.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa  digniin u diray ganacsatada Soomaaliyeed ee aan iska diiwaan gelin wasaaradiisa

“Waxaan halkan digniin uga dirayaa Ganacsatada aan ka diiwaangashanayn Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha – Soomaaliya  oo hada na sheegta inay yihiin Ganacsato. Ganacsatada aan Shati/Laysan ka haysanin Wasaaradda Ganacsiga ee la soo qabto waxa aan u sheegaynaa inay muteysan doonaan ciqaab adag” ayuu sidoo kale yiri wasiirka

- Advertisement -