Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka oo Shaaciyay in Dagaalka 3-aad ku bilaaban doonin Taangiyo iyo Diyaarado

Waxaa jirta cabsi xooggan oo laga qabo in dagaalka ka socda dalka Ukraine isku bedelo dagaal caalami ah oo dhax mara ciidamada Ruushka iyo sidoo kale isbaheysiga ay dalalka badan ku mideesan yihiin ee NATO.

Dowladaha reer Galbeedka qaarkood ayaa si weyn u taageeraya ciidamada UKraine ee dagaalka adag kala hortagay kuwa Ruushka, waxa ayna waddamada qaar ciidamada Ukraine ugu deeqeen taangiyo casri ah iyo diyaarado dagaal.

Ku-xigeenka madaxa golaha ammaanka ee dalka Raashiya, Dimitry Medvedev ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay isku-dayga dalalka reer Galbeedka ay Ukraine hubka ugu soo dirayaan wax ay ku tilmaameen dadaal looga hortagayo dagaal ka qarxa Caalamka.

“Haddii uu qarxo dagaalka saddexaad ee adduunka (WWIII), inuusan ku bilaaban doonin taangiyo iyo diyaarado dagaal ” ayuu yiri Dimitry Medvedev oo sii raaciyey haddii uu dagaalkaasi qarxo inay wax kasta boor noqon doonaan.

Hadalkan kasoo yeeray masuulkan katirsan dowladda Ruushka ayaa imaanaya xilli wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga sheegay in dagaalka saddexaad ee dunnida qarxi doono haddii taangiyada Ruushka tagaan caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay Tiyaatarka Qaranka

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh oo Hambalyo & Baaq muhiim ah u diray shacabka Soomaaliyed

Caydiid Ali

Masuuliyiin iyo Taliyaal Ciidan oo caawa ku afuray Suuqa Bakaaraha (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---