Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Mareykanka oo Fiiso u diiday Gabar Saaxiib la ah Boris Johnson oo mar booqasho ku timid Somalia

Dowlada Mareykanka ayaa fiisaha dal ku galka u diiday gabar u dhalatay dalka Britain oo saaxiib la ah Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalkaasi Boris Johnson.

Gabadhan oo lagu magacaabo Carrie Symonds ayaa codsi u dirsatay waaxda Socdaalka dalka Mareykanka si ay dalkaasi u booqao, hasa ahaatee gabadhan ayaa loo diiday in fiiso la siiyo.

Sababta fiisaha dalka Mareykanka loogu diiday gabadhan saaxiibka la Ra’isul Wasaaraha dalka Britain ayaa lagu sheegay in sanadkii hore ay booqasho ku tagtay gudaha Soomaaliya.

Carrie Symonds oo katirsan hay’ad ka shaqeysa arrimaha degaanka ayaa waaxda Socdaalka Mareykanka ku wargelisay in ay booqatay dalka Soomaaliya sidaa dareedna aan fiiso lasiin karin.

Dowlada Mareykanka ayaa horey u mamnuucday in dadka u dhashay dalal Soomaaliya ku jiro yimaadaan Mareykanka, waxaa sidoo kale fiisaha u diiday Mareykanka dadka Reer Galbeedka ah ee taga dalalka Iraq, Syria, Iran, Sudan, Libya, Somalia iyo Yemen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubnaha guddiyada Aqalka Sare oo maanta la ansixiyay (Akhriso Akhriso)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo tagay goobtii uu ka dhacay qaraxii Is-miidaaminta ahaa (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Raisi: “Iiraan wax gorgortan ah kama geli doonto barmaamijka Nuclearka”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---