Ra’isul Wasaare Khayre oo soo dhameystay booqashadii uu ku tegay dalka Sudan

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib Booqasho ay ku tageen Magaalada Khartuum ee dalka Sudan.

Kheyre ayaa dalka Sudan kaga qeyb galay munaasabadii lagu saxiixay heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhinacyada isku hayay dalka koonfurta Sudan .

Ra’iul wasaaraha uu ku amaanay dhinacyada heshiiska saxiixay tanaasulka iyo biseylka siyaasadeed oo ay muujiyeen si ay u badbaadiyaan dadkooda iyo dalkooda, ugana qayb qaataan horumaka gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika, waxaana uu u xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay nabadda, amniga iyo xasilooni siyaasadeed ee Sudanta Koonfureed iyo guud ahaan gobolka.

Sidoo kale Khayre ayaa kulan uu la qaatay Madaxweynaha Suudaan kaga mahad celiyay taageerada dhanka waxbarashada, isagoo hoosta ka xariiqay in xilli aduunyada inteeda kale ay u arkaysay Soomaaliya rajo aysan lahayn, Suudaan ay garaawsatay in la caawiyo si loo siiyo fursad ay ku soo kabato, waxaana uu sheegay in ardaydii Suudaan wax ku baratay ay ka qayb qaateen dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Xasan Cali Khayre oo sidoo kale booqday xarunta jaamacadda Caalamiga ee Afrika ee magaalada Khartuum oo ay wax ka bartaan ardaya Soomaaliyeed ee ugu badan ee dalkaas waxbarashada u jooga oo sidoo kale kulan kale uu la qaatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -