Meydadka dad kasoo jeeda Qowmiyadaha Oromada oo laga helay magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta qeybo kamid ah magaaladaasi lagu arkay meydadka dad kasoo jeeda Qowmiyada Oromada oo halkaasi lagu dilay.

Meydadka labo ruux oo Oromo ah ayaa lagu arkay xaafado katirsan magaalada Boosaaso, waxaana mid kamid ah labadaasi qof ee la dilay la sheegay in qoorta laga jabiyay kahor inta aan la dilin.

Sida aan Wararka ku heleyno meydadka dhalinyaradan Oromada ah ee lagu dilay magaalada Boosaaso ayaa la geeyay Isbitaal, lama oga ilaa hada cida ka dambeysay falkaasi dilka ah.

Maamulka Gobolka Bari ee Puntlnad ayaa horey uga digay dadka Boosaaso in ay dhibaateeyaan dadka Oromada ah ee kunool magaalada Boosaaso, waxaana horey baraha Bulshada loogu baahiyay Muuqaalka nin Oromo ah oo Boosaaso lagu jirdilayo.

Xiisada u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada Itoobiya ayaa u muuqda kuwa kusii fidaya dhulka Soomaalidu iyo Oromadu degto, waxaana rabshadahan kasoo bilowday gudaha Itoobiya hada kusii fideen gudaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -