RW Rooble & Wafdi uu horkacayo oo beri ka ambabaxaya Muqdisho, kuna sii jeeda..

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku sii jeeda beri oo Jimce ah magaalada Garowe ee caasimada Puntland sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia

Wafdi hordhac u ah safarka Rooble ayaa galabta gaaray magaalada Garoowe, kuwaasoo uu horkacayey Wasiirka arrimaha dibeda ee Xukuumada Somalia

Socdaalkan ayaa bilow u ah safaro uu ku tagayo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, kaasoo ujeedkiisa yahay xal u helida caqabadaha ku horgudban hirgelinta heshiiskii doorashada iyo muranka ka taagan guddiyada doorashada ee Xukuumadda soo magacawday.

Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in amniga magaalada caawa si weyn loo xoojiyey, ayna halkaas ka socoto qaban-qaabo lagu soo dhoweynayo wafdiga RW.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -