Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo fashilisay Weerar Diyaarado kusoo qaadeen Warshad Hubka lagu farsameeyo

Dowladda Iran ayaa shaacisay maanta in ciidankooda fashiliyeen weerar diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn kusoo qaadeen warshad weyn oo hubka lagu farsameeyo oo kutaalla magaaladda Isfahan ee Bartamaha Iran.

War kasoo baxay wasaaradda difaaca dowladda Iran ayaa lagu shaaciyay in laga hortagay oo la fashiliyay weerar saddex diyaaradood oo nuuca aan duuliyaha laheyn kusoo qaadeen warshada hubka lagu sameeyo.

Wasaaradda ayaa sheegtay in diyaaradahan weerarka soo qaaday oon wali la cadeyn halka laga leeyahay la burburiyay kahor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda ahaa warshada hubka ee kutaalla magaalada Isfahan.

Warbaahinta dalka Iran ayaa baahiyay in mid kamid ah diyaaradaha weerarka soo qaaday  kahor tagay nidaamka difaaca hawada ee dhax yaalla warshada, halka labada kalana hawada sare lagu qarxiyay.

Weerarkan oo dhacay saqdii dhaxe ee habeen hore ayaa la sheegay in uusan ka dhalan khasaaro nafeed, waxaana la sheegay in burbur kooban uu soo gaaray saqafka kore ee warshada weerarka lagu qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka oo maanta si weyn looga ciidayo

Caydiid Ali

Xilliga ay dhacayaan doorashada Guddoonka labada aqal oo goordhaw la shaaciyay

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo wadahadalkii burburay ku eedeeyey Xisbiyada Mucaaradka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---