Madaxweyne Guudlaawe oo kulan Xasaasi la qaatay Golihiisa Wasiirrada (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay arrimaha amniga, howlgalada lagu ciribtirayo Al Shabaab ee ka socda deegaannada Hirshabeelle iyo dardargalinta howlaha hortabinta u leh Dowladda.

Madaxweynaha ayaa golaha la wadaagay warbixinta xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta alshabaab isagoo xusay in dhowaan howlgalada ay ka bilaaban doonaan deegaanada Galbeedka Hirshabeelle waxa uuna shacabka deegaanadaas ugu baaqay inay isu diyaariyaan qeybgalka howgaladaas lagu ciribtirayo khawaarijta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso barnaajimka xasilinta si ay bulshada u hesho adeegyada aasaasiga ee muhiimka u ah Dowladda isagoo dhinaca kale xusay in degmada matabaan uu dhowaan ka bilaaban doono barnaamijka deegaan bile oo waxtar u leh bulshada Hirshabeelle sidoo kalana uu dhowaan bilaaban doono dhismaha xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan, dhismaha wadada xiriirisa garoonka diyaaraha ilaa Magaalada Jowhar, dhismayaasha xarumaha degmooyinka iyo saldhigyada Hirshabeelle iyo dhismaha buuntada degmada Buulo burde oo ay khawaarijtu waxyeeleeyeen.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeen u mahadceliyay xubnaha Golaha Wasiirada waxa uuna faray inay dardargaliyaan howlaha muhiimka ah ee horyaala.

- Advertisement -