Xukun lagu riday Odayaashii Saleebaan ee Heshiiska la galay Al Shabaab (Sawirro)

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno xabsi ah ku riday odayaal kasoo jeeda beesha Reer Xaaji Saleebaan Habar Gidir ,kuwaa oo dhawwaan heshiis Al Shabaab kula soo galay degmada Xarardheere.

Ciidamada amniga Galmudug ayaa magaalada Cadaado ka soo xeray December 27-keedii sannadkii tegay Odoyaashan oo gaaraya saddex, kuwaa oo Al Shabaab heshiis qodobo badan ka kooban kula soo galay Xarardheere kahor inta aysan ciidamada la wareegin.

Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa odayaasha ku eedeesay in ay diideen amar dowladda ka yimid oo ahaa in aan lala macaamili karin Al Shabaab , waxa xuseen in Xarardheere u tageen si iskood ah iyaga oon matalin beesha ay ku marmarsiyoodeen.

Maxkamadda ayaana saddexda oday oo kala ah Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow ku riday Shan Sano oo isugu jirto Xabsi ciidan iyo il ku haynta ciidanka booliiska.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo xukunka ku riday odayasaha ayaa sheegay in ay heestaan racfaan ay ka qaadan karaan xukunkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -