Taliyaha cusub ee NISA oo xilka la wareegay, balan-qaad adagna sameeyey (Daawo Sawirro)

Taliyaha cusub ee heyadda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Taliskaas.

Munaasabad ka dhacday Xarunta NISA ayaa waxaa xilkii Taliyaha NISA si rasmi ah ula wareegay Taliyaha cusub oo maalin ka hor la magacaabay.

Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno ayaa xafladda xil wareejinta ka qeyb galay.

Taliyaha cusub ee Nabad Suggida Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadan ayaa balan-qaaday inuu la imaan doono hufnaan shaqo oo ku saleysan ad adeyg iyo isbedelo la xiriira amaanka.

“Waxaan hormarinayaa Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya waxaan ku dar-daarmayaa sidii loo shaqeyn jiray si ka duwan, waa inaan labo jibaarnaa awoowdeena sirdoonka kana shaqeynaa sidii wadankaan aan u gaarsiin laheyn Nabad iyo Barwaaqo, Amniga waa laf-dhabar waana waxaan u xilsaaranahay, waxaana saacad kasta waqtigeyga ku bixinayaa Hormarinta Amniga Dalka ,waxaana amaanayaa doorka Nabad sugigadda Qaranka ay ka qaateen Xasilinta Amniga”.ayuu yiri Taliayah Hay’adda Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka Xuseen Cusmaan Xuseen

Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ku booriyay Taliyaha cusub ee Nabad Suggida Soomaaliya inuu si wanaagsan u guto shaqadiisa, wuxuuna kula dardaarmay Saraakiisha NISA inay la shaqeeyaan hoggaanka cusub.

Heyadda Nabad Suggida Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa Ku sime Taliye ka ahaa C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) kaasoo manta si buuxda xilka u wareejiyey, waxayna arintani ka dambeysay markii xilka laga qaaday 28 Oktoobar ee sanadkii hore taliyihii Hore ee NISA C/llaahi Sambaloolshe ka dib weeraro isxigay oo labo todobaad gudahood lagu qaaday isgoyska Zoope iyo Hotelka Naasa hablood-2 kuwaasoo galaaftay nolosha boqolaal qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -